Habraaca doorashada oo laga digay ‘inuu sababi

Muqdisho (Axadle) – Ururada Bulshada rayidka Somaaliyeed ayaa si adag uga horyimid habraacii uu dhawaan soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaga oo walaac ka muujiyey in dhaqan-gelintiisa uu sababi karo iska hor-imaad hubeysan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Isu-taga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxa wel-wel looga muujiyey geedi socodka doorashooyinka dalka oo ay sheegen inay ku tagri faleen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Waxaan aaminsan nahay in habraaca ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran uu meesha ka saarey doorka bulshada rayidka ee hubinta xulista ergooyinka, taasina waxey shaki badan gelineysa suurto-galnimada in dalka ay ka dhacaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo xasilooni siyaasadeed dalka u horseeda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen duubabka Soomaaliyeed, odayaasha dhaqanka, culumo-u-diinka, wax-garadka, haweenka iyo aqoon-yahanka Soomaaliyeed inay u istaagan sidii looga hortegi lahaa nidaam doorasho oo abuuri kara xasilooni daro, islamarkaana gacan ka geystaan sidii dalka ay uga qabsoomi lahaayeen doorashooin daah-furan oo lagu kalsoonaan karo.

“Waxaa in badan ka dignay in daahfur la’aanta doorashooyinka sabab u noqon karto in dalka aysan ka dhicin doorashooyin lagu kalsoonaan karo, sidaas darteed lama aqbali karo habraacan cusub.”

Qoraalka kasoo baxay Isu-taga Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee ay ku diideen habraaca cusub ee doorashada ayaa imanaya xili si weyn looga horyimid, maadama uu si toos ah doorashada ugu gacan gelinayo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More