Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaleey oo qarax lagu

Muqdisho (Caasimaad Online) – Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Caasimadda Muqdisho ayaa galabta u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax lala eegtay gaari uu saarnaa.

Maxamed Abuukar Afrax AUN ayaa waxa xilliga qaraxa uu haleelay gaariga uu saarna uu marayey waaxda Fooriloow oo dhaxeysa degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey, sida ay dad deegaanka u sheegen Axadle.

Geerida guddoomiyihii Garasbaaleey ayaa waxaa xaqiijiyey mas’uuliyiint ka tirsan maamulka deegaankaas, waxaana soo baxaya in uu jiro dhaawac kale oo ka dhashay qaraxa lala eegtay gaariga marxuum Afrax.

Waxay aheyd markii xilka loo magacaabay Afrax 30-kii bishii May, xiligaas oo uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir ku bedelay Guddoomiyihii ka horeeyay oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Garyare oo isaga laftigiisa lagu dilay qarax 21-kii May 2011.

Qaraxaas ayaa waxaa sidoo kale ku geeriyooday laba kamid ah ilaaladiisa oo xiliga uu qaraxu haleelay gaarigiisa la socday guddoomiye Garyare Allaha unaxariiste.

Mas’uuliyada qaraxa uu maanta u geeriyooday guddoomiyaha Garasbaaleey ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, oo ayadu dagaal adag kula jirta mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More