Guddoomiye ku xigeenka degmada Garbo ee dowlad deegaanka Soomaalida oo gurigiisa laga helay isagoo meyd ah

Talaado, July 12, 2022 (AX) – Sida laga soo xigtay dad xogagaal ah Guddoomiye ku xigeenkii degmada Garbo ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdilaahi Axmed nuur Sheekh Ibraahim ayaa gurigiisa laga helay isagoo mayd ah.Lama sheegin sababta uu u dhintay guddoomiye ku xigeenku, balse warar aan wali xaqiiqadooda la hubin ayaa sheegaya inuu isagu is daldalay.

Hay’adaha amniga ayaan wali ka hadlin dhacdadan, inkastoo sida lasoo sheegayo ay socoto baadhis ku aadan waxa keenay dhimashada guddoomiye ku xigeenkii degmada Garbo ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Dhacdadan oo noqotay mid aad looga argagaxo, ayaa ah mid ku cusub degaanka Soomaalida.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More