Gobaladda Waqooyi oo wax lala yaabo ku tilmaamtay

Muqdisho (Axadle) – Wasaaradda waxbarashada Gobaladda Waqooyi ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay dhaliilaha iyo eedeymaha loo jeedinayo shabakadda dugsiyada ee Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo oo maalmihii dambe cirka isku shareertay.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Gobaladda Waqooyi, Muane Axmed Maxammed Diiriye (Toorno) oo wariyeyaasha kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka horjeestay eedeymaha Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ee ka dhanka ah macalimiinta dugsiyada Abaarso iyo  jaamacadda gabdhaha ee Barwaaqo, isaga oo eedahaas waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Sidoo kale wasiir Toorno ayaa xusay in cadeyn rasmi ah looga baahan yahay ciddii tiri Diin kale ayaa lagu dhigaa dugsiyada Abaarso.

“Diinta, dalka iyo dad nimada midna iib ma galo, isku riix riix iyo isku ceebayna ma galo, isagay u taala ninkii mucaarad nimo iyo hebel ku xumee u isticmaalaya, ninka leh diin kale ayaa Gobaladda Waqooyi lagu dhigaa isaga ayaa caddayn teedi laga rabaa” ayuu yiri wasiir Toorno.

Wasiirka waxbasharada Gobaladda Waqooyi oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dugsiyada Gobaladda Waqooyi aan lagu dhigan Diin aan ka aheyn tan Islaanka, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay eedeymaha culus ee uu soo jeediyey Wariye Cabdimaalik Coldoon.

“Waxan doonayaa in aan halkan bulshada uga caddeeyo dugsiyadeenu in ay yihiin meelo Diinta Islaanka lagu barto, ee anay ahayn meelo diin kale lagu barto, waxa cajiiba inan kaliya ayaa 10 kii sano ee ugu danbeeyay dugsi qudha dusha ka saarnaa” ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada ay Gobaladda Waqooyi xabsiga dhigtay Wariye Coldoon oo baahiyey warbixino isdaba joog ah, isla-markaana liddi ku ah dugsiyada Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, waxaana ka mid ah xubnaha uu eedeeyey Joy Isa oo la sheegay inay tahay Masiixi howlo Diimeed u timid magaalada Hargeysa ee Axadle Gobaladda Waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More