Gobaladda Waqooyi oo beenisay in ay dad tarxiishay sida warbaahinta qaar qortay

Arbaco, Ogosto, 3, 2022 (AX) – Xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa beenisay war ay warbaahinta Somali Dispatch, ku sheegtay in xukuumada Gobaladda Waqooyi si qasab ah ku masaafurisay 34 qof oo Itoobiyaan ah.Wasaxaafadeed kasoo baxday Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Gobaladda Waqooyi, ayaa lagu sheegay in dadkan oo ka dhoofay madaarka Cigaal ee Hargaysa, ay si iskood ah u dalbadeen in dalkoodii dib loogu celiyo.

“Waxaanu halkan ka beeninayna war aan sal iyo raad toona lahayn oo mareegta Somali Dispatch kaga been abuurtay xaqiiqda dadkaasi, oo iskood u dalbaday in dalkoodii dib loogu celiyo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda barakacayaasha.

Hoos ka akhriso qoraalka hay’adda oo faah faahsan:-

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More