Gobaladda Waqooyi oo amar kusoo rogtay dadka ajaanibta ah

Talaado, Luulyo, 26, 2022 (AX) – Xukuumada Gobaladda Waqooyi, ayaa dadka ajaanibta ah ee aan sharciyada joogitaanka haysan ku amartay in ay muddo 20 cisho gudahood ah kaga baxaan ciideeda.Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Laanta Socdaalka Gobaladda Waqooyi, ayaa lagu amray dadka ajaanibta ah ee sharcidarada ku jooga Gobaladda Waqooyi in ay muddo 20 cisho ah kaga baxaan Gobaladda Waqooyi.

“Taliska Ciidanka Socdaalka Jamhuriyadda Gobaladda Waqooyi wuxuu ku wargalinayaa ajaanibka sifo sharci daro ah ku jooga dalka Gobaladda Waqooyi in ay kaga baxaan muddo Labatan (20) cisho ah oo ka bilaabma 28/07/2022 ilaa 17/08/2022” ayaa lagu yiri amarka laanta socdaalka.

Sidookale, ganacsatada iyo dadka kale ee haysta shaqaale ajaaniib ah, ayaa looga digay in ay shaqaalaysiiyaan qof bilaa sharci ah, oo aan haysan sharci fiise leh.

“Sidoo kale waxaa lagu wargalinaya shirkadaha, hayadaha iyo ganacsata ay ka hawl’galaan shaqaale ajaanib ah, in ay ka shaqeeyan oo qudha ajaanibka haysta dalkujoog sax ah (Visa ama Qaxoonti)” ayaa lagu yiri amarka laanta socdaalka.

Ugu danbayn qoraalka ayaa lagu sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cidii lagu arko iyada oo haysata shaqaale bilaa  sharci ah.

Hoos ka akhriso amarka laanta socdaalka:

2022726637944346446544107

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More