Gobaladda Waqooyi: Miino ku qaraxday caruur xoolo la joogtay

Sabti, Ogosto, 6, 2022 (AX) – Ilmo yar ayaa geeriyooday 2 kalena dhaawac ayaa soo gaadhay, kadib markii miino kula kacday goob u dhaxaysa deegaanada Habuura iyo Sibidhley ee xuduuda Gobaladda Waqooyi iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.5 qof oo kale ayaa dhawacmay kadib markii ambalaas (dhooli), loo diray caruurta dhaawaca ah, uu ku dhacay baabuur xaajiyad ah oo rakaab siday, meel u dhow deegaanka Balli-hiile, sida uu sheegay muuqbaahiyaha xukuumada Gobaladda Waqooyi.

Dhamaan 7-da qof ee dhaawaca ah ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Wayn ee Burco, isla markaana xaaladooda ayaa ah mid dagan, sida Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Togdheer Dr Maxamed Yuusuf Jaamac uu u sheegay wakaaladda wararka Gobaladda Waqooyi ee SOLNA.

Sida muuqbaahiyuhu ku warramay saddexda caruurta ah ee miinadu la qaraxday, ayaa adhi ku ilaalinayay goobta ay dhibaatadu kusoo gaadhay.

Abdiwahab Ahmed, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More