Garabka Cabdi Xaashi oo caddeeyay mowqifkooda ku

Muqdisho (Axadle) – Golaha Siyaasiyiinta Gobaladda Waqooyi ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa shaaciyey mowqifkooda ku aadan habraacyada doorashada ee lagu soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, kuwaasi oo qoddobo kamid ah ka horyimaadeen.

Qoraal kasoo baxay Garabka Cabdi Xaashi ayaa ugu horeyntii lagu soo dhaweeyay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Gobaladda Waqooyi la waafajiyey habraacyadii 2016-kii, islamarkaana ka go’aan gaaristeeda loo daayey hogaamiyeyaasha siyaasada iyo dhaqanka gobolada Waqooyi.

“Golaha Siyaasiyiinta Gobaladda Waqooyi ee uu hogaanka u yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi wuxuu si dhow ula socday shirarka Madasha Wadatashiga Qaranku ku leeyihiin Caasimadda Muqdisho iyo Habraacyadii doorashada ee kasoo baxay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Garabka Cabdi Xaashi ayaa yiri “Waxaa Madasha Wadatashiga Qaranka iyo dhamaan daneeyayaasha kale ee doorashada u caddeynaynaa in aanan raali ka aheyn qaabka ay madashu u wajahday xulista ergada iyo cidda hageysa habraacyada iyo maamulka doorashada Gobaladda Waqooyi.”

Garabka Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay habraacan ku diideen saddex qodob oo ka mid ah:-

1- Gudiga Doorashada Gobaladda Waqooyi ee SEIT wuxuu u kala qaybsan yahay laba dhinac oo leh laba gudoon, sidaas darteed iyada oo aan la xallin oo la mideyn guddoonka Guddiga ma dhici karto doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka toona.

2- Doorashada Golaha shacabka ee Gobaladda Waqooyi waxaa saldhig u ah odayada dhaqanka ee ku jira 135-ka oday, sida xulista ergada iyo astaynta qoondada kuraasta haweenka iyagoo la tashanaya cuqaasha iyo nabadoonada jifada kursiga iska iska leh.

3- Sidii aan marar badan hore u caddeynay, hirgelinta habraacyada iyo maamulka doorashada waxaa hagaya hogaanka siyaasiyiinta ka soojeeda Gobaladda Waqooyi oo isu dhan si waafaqsan habraacii doorashadii 2016 kii. Sidaa awgeed, xafiiska Ra’iisul Wasaare xaq uma lahan in uu kuraasta Somalialnd iyo kuwa Banaadiriga u maamulo si ka duwan sida uu u maamulayo doorashada guud ee Dalka.

Ugu dambeyntiina qoraalka kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in xafiiska ra’iisul wasaaraha uu xaq u laheyn inuu kuraasta Gobaladda Waqooyi iyo kuwa Banaadiriga u maamulo si ka duwan doorashada guud ee dalka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More