“Ganacsadihii lacag siiya Al-Shabaab waa in la toogto” – Ama…

Boosaaso (Axadle) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa markii u horeysay soo jeediyay arrin xasaasi ah oo la xiriirta lacagaha ay hesho Al-Shabaab iyo howlaha sugida Amniga ee ka socda deegaanadaas.

Cabdiladiif oo hadda booqasho ku jooga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxa uu soo jeediyay inaysan marnaba Ganacsatadu siin argagixisada lacago baad ah oo ay isku bad-baadinayaan, halka lacagahooda lagu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay in lacagaha ay ganacsatadu siiyan Al-Shabaab iyo Daacish ay sii dhiiri-geliso falalka arxan darada ah ee lagu laynayo shacabka, islamarkaana ay ganacsatadu qeyb ka tahay falalkaas, maadama ay lacagta u badan baxshaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaab laba meel ayay lacag badan ka helaan waa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho iyo kuwa Magaalada Boosaaso, waa in Ganacsatada ay si deg-deg ah u diidaan lacagtaas oo ay u fariistan, una midoobaan arrintaas,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiladiif.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la toogto ganacsade kasta oo la ogaado in uu lacag siiyo argagixisada, ama’se la maxkamadeeyo, si looga waantoobo arrintaas oo dhibaato weyn ku ah dalkeena.

“Waa in la marsiiyo dariiqa argagixisada ay dadka marsiiyan, waxaan jeclaan lahaa in cidii lagu ogaado in dariiqa ku toogataan, haddii ganacsato weyn lagu ogaado lacag waa in la toogta ama maxkamadeysaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyey shacabka in loo midoobo la dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay gaancsatada ka waantowdo lacagaha ay siinayaan kooxahaaas, midaasi oo lagu leynayo dadkooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More