Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Jimco, Luulyo, 15, 2022 (AX) – Wararka ka imaanaya magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi Xalay kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah
ay ku dhex dileen goobtiisa ganacsi Muwaadin Soomaaliyeed oo ku noola dalkaasi. Ganacasadaha Soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaasi Koonfur
Afrika ayaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cali, waxaana burcada ay ku dhex toogteen gudaha dukaankiisa oo ku yaalay xaafada New Brighton oo ka tirsan
magalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.

Dilka Muwaadinka Soomaaliyeed kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo sida caadada u
aheyd sameeyay baaritaano kooban oo la sheegay ineysan kasoo bixin wax natiijo ah, maadama burcada ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta ka hor inta aysan
ciidanku tagin.

Koonfur Afrika waxaa maalmahii lasoo dhaafay kusoo kordhaayay dilalka iyo beegsiga lagu haayo ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo
xukumadda dalkaasi mar walba ay sheegto iney wax ka qabaneyso dhibaatada iyo dilalka lagu haayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u ganacsi tagay,
hadana ma muuqato wax isbadal ah ama ficil ah oo ay xukumadda dalkaasi sameysay.

Shalay ayay aheyd markii ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Cape Town ay xarig iyo jirdilo xoogan ay kala kulmeen ciidamo
ka tirsan kuwa dalka Koonfur Afrika oo u xil saarana sugitaanka amaanka dadka ajaaniibta ah, hayeeshee iyagii amniga loogu talo galay ay bilaabeen
dhibaateynta dad ajaaniibta ah oo markii horeba ku dhib qabay burcada hubeysan ee u dhalatay dalkaasi.

Abdiwahab Ahmed, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More