Faahfaahinta: Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka lagu qaaday hotel Hayaat

Jimco, Agoosto, 19, 2022 (AX) – Ciidamada Haramcad ayaa ku guulaystay inay soo badbaadiyaan
dad shacab, kuwaas oo ahaa dadkii ku go ‘doonsanaaa hotel Hayaat, oo ay weli ka
dagaalamaayan dabley katirsan kooxda Alshabaab.

Saddex dagaalame oo ah kooxdii gudaha u gashay hotelka Hayaat,
ayaa weli hotelka dhex dagaalamaya, waxayna ciidamadu ku guulaysteen inay
hotelka gudaha u galaan.

Dadka lasoo badbaadiyay waxaa kamid ah saddex carruur ah oo
hooyadood ay weyday markii ay dhacday jugtii ugu horraysay ee weerarka. Hooyada
ayaa kamid ahayd dad markiiba hotelka lagasoo badbaadiyay.

Weli faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga
ah ee weerarka lama hayo, waxaase jira warar sheegaya in saraakiil katirsan
NISA ay ku dhaawacmeen mid kamid ah qaraxyada hotel bannaankiisa ka dhacay.

War aan si dhab ah weli loo hubin waxay sheegayaan in dadka
dhaawacmay uu ku jiro taliyaha NISA gobolka Banaadir, Muxidiin Warbac.

Alshabaab ayaa sheegtay weerarkan iyagoo sheegay inay
beegsadaan masuuliyiin iyo saraakiil ciiddan oo ku caweynayay hotel Hayaat.
Waxay sheegeen inay  dagaalamayaashooda
gudaha u galeen oo toogasho ka wadaan hotelka.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More