Dowladda Soomaaliya oo Midowga Afrika ka codsatay in laga qaado xayiraada hubka

Sabti Luulyo, 16, 2022 (AX) – Dowladda Soomaaliya ayaa midowga Afrika ka codsatay in laga dulqaado cunaqabataynta hubka ee saaran, si ay xasiloonideedii usoo ceshato.Wasiir udowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Balal Maxamed Cisman, ayaa codsigan ka jeediyay shirka 41-aad ee caadiga ah ee golaha fulinta Midowga Afrika oo ka socda Zambia.

Codsiga xukumadda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xukumadda Soomaaliya ay qorshaynayso inay dalka dib ugusoo celiso kumanaan askari oo dalka Eritrea lagusoo tababaray, kuwaas oo u baahnaan in loo sameeyo qalabayn, si ay qeyb muhiim ah uga qaataan in Alshabab dalka laga saaro.

Bishii June, Guddiga golaha ammaanka u qaabilsan cunaqabateynta saaran Soomaaliya ayaa sheegay, in xukumadda cusub ee Soomaaliya ay iskaashi kala sameynayaan arrimaha muhiimka ah ee cunaqabataynta hubka.

15 Nov, 2022, Guddiga Golaha Ammaanka ayaa waxay cusbooneysiiyeen cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, si laga hortago hubka sharci-darrada ah ee la soo dejiyo iyo dhoofinta dhuxusha, iyadoo dib loo cusboonaysiiyay shaqada guddiga khubarada ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo sannad walba fagaarayaasha caalamka gaysa in laga qaado cunaqabataynta hubka weli kuma guulaysan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More