Dowlada Federalka oo beenisay in heshiis hordhac ah lagu gaaray shirka Doorashooyinka

Afhayeenka xukuumada Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa beeniyay warar soo baxayay maanta oo ah in heshiis hordhac ah laga gaaray shirka.

Maxamed Ibraahin Macalimu ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa waxa uu ugaga hadlay kulankii maanta uga furmay magaalada Muqdisho Dowlada Federalka, Madaxda Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Wararka qaar ee leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isu Wasaare Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn.

Shirka jawi wanaagsan ayuu ku bilowday wuuna sii socon doonaa inshallah. Hishiis rasmi ah marka waan idinla wadaagi doonnaa.”ayuu ku daabacay bartiisa afhayeenka xukuumada.

Hase yeeshe, Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federalka Maxamed Xuseen Rooble oo maanta shir guddoomiyay shirka Madasha Qaran ayaa ku tilmaamay inuu ahaa kulankii maanta mid wanaagsan.

Qoraal kooban uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ra’isul Wasaaruhu uga mahadceliyay madaxdii ka qeybgashay kulankii maanta.

“Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda. Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka.”

Kulankii maanta ee uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ahaa mid horumar laga gaaray maadaama maalintii ugu horeysay ee kulanka uu si wanaagsan ku soo dhamaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More