DF oo shaacisay horumarada laga gaaray doorashooyinka – Caas…

Muqdisho (Axadle) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey horumarada illaa iyo hadda laga gaaray arrimaha doorashooyinka, tan iyo markii uu maamulkeeda la wareegay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warqad kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu soo koobay dhammaan waxyaabihii qabsoomay, illaa markii la billaabay wada-hadallada doorashooyinka, gaaraan ahaan wixii ka dambeeyey, markii la saxiixay heshiiskii doorashooyinka 27 bishii May ee sanada 2021.

Sidoo kale warqadan waxaa lagu soo badhigay horurmada laga gaaray doorashooyinka, iyada oo mid walba la caddeeyey taariikh ahaan xilliga la qabtay.

Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in guulo badan la gaaray, sida saxiixa heshiiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka, guddigii uu u magacaabay ra’iisul wasaaraha xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay, kulamadii Rooble iyo musharraxiinta oo iyana guullo waa weyn laga gaaray, guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad Goboleed iyo xalinta khilaafaadka iyo soo saarista jadwalka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa warqadan lagu soo qaaday dadaalladii dib u heshiisiinta ee gobolka Gedo iyo guddigii uu ra’iisul wasaaraha ee magacaabay ee loo diray magaalada Garbahaarey.

Halkan hoose ka aqriso:-

Horumarrada laga sameeyay howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

May 27 2021: Waxaa la saxiixay heshiiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka.

May 30 2021: Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddi u magacaabay xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay.

May 31 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaabilay xubno ka socda Midowga Musharaxiinta oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore, si uu uga dhageysto cabashadooda iyo talooyin.

June 19 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Xalinta khilaafaadka.

June 29 2021: Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa soo saaray jadwalka arrimaha Doorashooyinka Dalka.

June 29 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib u heshiisiinta Gedo.

July 5 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay hirgelinta, Amniga Doorashooyinka iyo taageerada laga doonayo.

July 7 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu socdaal 4 cisho qaatay ku tegay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey, si loo dhammeystiro dib u heshiisiinta Gedo.

July 21 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku dhawaaqay xalkii laga gaaray arrinta Gedo.

July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu kula dardaarmay inay dooraahada u maamulaan si hufan oo ka fog eex.

July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu isu keenay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, si loo xalliyo faraqa u dhexeeya ee doorashada kuraasta Gobollad Waqooyi.

July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu magacaabay guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka 30% ee labada Aqal ee Baarlamaanka.

July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu habka fogaan arragga kula shiray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu ku booriyay inay doorashada dedejiyaan, maadaama la gaaray xilligii lagu balamay in ay bilaabato.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More