DF oo guddi khubaro ah u magacowday kiiska Ikraan Tahliil – …

Muqdisho (Axadle) – Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan bil lagu la’yahay gacanta Hay’adda NISA, sida ay sheegeen qoyskeeda ayaa maanta waxay dowladda u magacowday Guddi khubaro ah oo baara kiiska maqnaashaheeda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa saddex Sarkaal oo ka kala tirsan Xafiiska Xeer Ilaalinta, Booliska iyo Nabad-sugida u magacaabay baarista kiiska Ikraan Tahliil.

Xeer Ilaaliyahay ayaa sidoo kale faray Taliska NISA iyo cidkasta oo ay quseyso arrintaas inay si dhow ula shaqeeyaan Saraakiisha loo magacaabay kiiskeeda, si loogu xaqiijiyo cadaalada.

Magacaabista guddiga baaraya kiiska Ikraan Tahliil ayaa waxa uu imaanaya kadib markii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta uu aqbalay furashada Gal-dacwadeed ay kal hore gudbiyeen ehelka Ikraan oo muddo ka badan bil la la’yahay.

Arrinta Ikraan ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayey, maadama ay aheyd Sarkaal muhiim ah oo ka tirsan NISA, islamarkaana ay ku maqan tahay gacantooda, sida ay warbaahinta u sheegen eheladeedu.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More