DENI ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay gudaha Nairobi

Nairobi (Axadle) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa kulamo siyaasadeed ka bilaabay gudaha magaaladaasi oo ah Caasimadda wadanka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in Saciid Deni oo shalay gaaray gudaha Nairobi uu dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka bilaabay halkaasi, kadib shirkii wada-tashiga ee Caasimadda Muqdisho.

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxa uu la leeyahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee fadhigooda yahay Kenya iyo saaxibada caalamiga ah ee ay leedahay Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Axadle kulamadan ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa, maadaama lasoo saaray habraacoodii.

Ujeedka kulamada uu Deni wado ayaa ah kuwa ku ugu xusul doobayo doorashooyinka soo socda, si uu galaan-gal xoogan ugu yeesha doorashada heer federaal, inkastoo warar hore usoo baxay ay shaaciyeen inay ‘suuragal tahay inuu isku soo taago xilka madaxweynaha’.

Soomaaliya ayaa waxaa ay sanadkan galeysa doorasho adag oo ay ku tartamayaan siyaasiyiin saameyn leh, waxaana socda olole xoogan oo loogu jiro doorashooyinka.

Si kastaba dhowaan ayaa la filayaa in si rasmi ah loo guda-galo doorashada Golaha Shacabka, sidoo kalena la dhammeystiro mida Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More