Dawladda Germalka Ayaa Ku xukuntay Soomaali in lagu haayo Xabsiga isbitaalka dhimirka

Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa shalay oo Talaado ahayd nin Soomaali ah ku xukuntay isbitaalka dhimirka, kaddib markii uu saddex qof ku dilay magaalada Wuerzburg ee koonfurta dalkaas sannadkii hore.

Sagaal qof oo kale ayaa lagu dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Bavarian bishii Juun 2021.

Ninkan oo magangalyo doon ahaan ku yimid dalka Jarmalka ayaa lagu eedeeyay in uu mindi af-dheer oo taan jikada ah uu si aan kala sooc lahayn ugu weeraray dad ku sugnaa meel laga dukaameysto ka hor inta uusan wadada u bixin.

Dacwad oogayaasha ayaa markii hore u arkayay sabab argagixisanimo in uu ahaa weerarkan balse taasi laguma soo xaqiijin baaritaankii labaad ee xigay.

Ka hor dacwadda, oo bilaabantay bishii Abriil, laba khabiir oo ay maxkamaddu uu xilsaartey waxay ogaadeen in dembiilaha uu ka qabo *schizophrenia* oo uu yahay qof bari ka aha arrintan argagaxisadda ah sidaas darteedna aysan aheyn in dambiile ahaan loo haysto mas’uuliyadda falka uu geysay.

Markaa ka dib maxkamada degmada Wuerzburg “waxay amartay eedaysanaha in la dhigo cisbitaalka dhimirka,” afhayeen u hadlay ayaa yiri sidaas.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ninka Soomaaliga ah oo Jarmalka yimid sanadkii 2015-kii uu ka sheegay in ay jiraan hadalo uu maqlaayo oo madaxiisa ka soo baxay oo lagu amrayay in uu weerarka fuliyo.

Berlin waxay magangalisay in ka badan hal milyan oo magangalyo doon ah 2015-2016 markaas oo ay xalad aad uu kacsan oo dhanka dhibaatada soogalootiga ee Yurub ay ka jirtay gobalka.

Qulqulka  soo galootiga ayaa ahaa mid aad u kala qaybiyey Bulshadda  Jarmalka, waxaana uu sii huriyay oo uu sare uu gaadey sumcadda iyo caannimada xisbiga midigta fog ee AfD.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More