Dad rayid ah oo ka soo jeeda Gobaladda Waqooyi oo lagu afduubtay go…

Laascaanood (Axadle) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay dad shacab ah ka afdtuubteen deegaanka Carrooley, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka la afduubtay oo aan tiradooda la shaacin ayaa waxaa la sheegay inay kasoo jeedaan Gobaladda Waqooyi, gaar ahaan magaalooyinka Burco iyo Berbera ee maamulkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la afduubanayey dadkaasi ay ka soo baxeen beeraha Xalin oo ku yaalla agagaarka degmada Taleex ee gobolka Sool.

Sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay dableyda hubeysan ee afduubka geysatay ayaa ‘waxa ay ku heyb-yihiin’ nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur oo mudo bil ah Gobaladda Waqooyi ugu xiran Bebera, kadib markii uu warbaahinta ka dhaliilay maamulkaasi.

Waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaas, kuwaas oo ay wadaan ciidamada ammaanka, si loo baadi goobo kooxihii afduubka u geystay dadkaasi shacabka.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Gobaladda Waqooyi ee ku aadan dhacdadaasi.

Xiisad ka dhalatay afduubka dadkaasi kasoo jeeda Gobaladda Waqooyi ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay haatan ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolka Sool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More