Daawo: Xaad oo soo saaray baaq xasaasi ah oo ka dhan ah Farm…

Muqdisho (Axadle) – Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil – gabadhii la waayey ee loo heysto NISA, saraakiil uu sheegay in la khaarajiyey, kuwo loogu awood sheegtay shaatiga dowladda iyo tallaabadii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilka uga xayuubiyey Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad sugidda Qaranka Cabdullahi Kullane.

“Waxaan maanta ka hadlayaa mushkilado badan oo waayahaan ka jiray axadle Muqdisho, waxaana ka hadlayaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin arrinta Ikraan Tahliil Faarax, saraakiil ka horeysay oo qaar meydkooda la helay, qaarna aan weli la arkin, waxaan kaloo rabaa inaan ka hadlo tallaabadii Ra’iisul wasaaraha oo soo dhaweyn mudun runtii,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Nabadoon Xaad.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa sheegay in tallaabada uu Rooble qaaday mar hore loo baahnaa, isagoo ku tilmaamay mid muhiim ah.

“Dalku maanta hal caqabad ayuu leeyahay, waxayna ka imaaneysaa caqabadaasi madaxweynaha iyo qolada la shaqeysa oo ay ka mid yihiin taliyaha NISA Fahad Yaasiin, ku xigeenkiisii Kullane Jiis iyo Taliyaha NISA ee gobolka Yaasiin Farey, ragaas oo dhan waxay caqabad ku yihiin hiigsiga umadda Soomaaliyeed iyo doorashada hadda dalku galay, waan soo dhaweynaynaa in caqabadahaas qaar inuu Rooble wax ka qabtay, laakiin faro kama qodna ayaan leenahay,” ayuu yiri.

Nabadoon Xaad ayaa musiibo ku tilmaamay madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, “Lanadaas nin intey meesha joogaan dadka Soomaaliyeed nabadda iyo dowladnimada ay sugayaan rajo badan malahan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxa uu sheegay in ragaas ay hadda ka shaqeynayaan in dadkii horay ula soo shaqeyn jiray ee xog ogaalka ahaa ay maalinba mid afduubtaan oo dilaan intii wax og, sida uu sheegay Nabadoon Xaad.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa soo tiriyey magacyada saraakiil uu sheegay inay la shaqeyn jireen Farmaajo iyo Fahad, kuwaas oo qaar meydadkooda la helay, qaarna nolol iyo geeri lagu la’yahay.

“Dadkii lagu aaminay masiirka umadda iyo mustaqbalkii soo koraayey, inay dadkii laayaan oo midba mar la dilo, kuwa hadda noolna ay xag Ilaahey ka noolyihiin, kuwo kalena weli la daba joogo, waa wax lala yaabo oo aan horay loo arag, dalkeenana ku cusub, waa wixii argagixisadu ka shaqeyn jirtay,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoonka oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaan rabaa inaan si gaar ah isu dul taago kiiska Ikraan Tahliil, waa ka xunahay waxa ku dhacay ehelkeedana waan u tacsiyeyneynaa, qof dhalinyaro ah oo dalka meelaha halboolaha u ah ka shaqeyneysay ayey aheyd, waxay ka mid aheyd dhalinyaarada dalkaan inay meel gaarsiiyaan laga sugaayey, sida arxan darrada ah ee gabadhaas loo afduubtay, ee nolol iyo geeri lagu la’yahay, waan uga tacsiyeeynayaa waalidiinteeda iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed.”

Hoos ka daawo

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More