Daawo: Habka yaabka leh ee Al-Shabaab ay uga

Muqdisho (Axadle)-Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay barnaamijka Gungaar, kaas oo looga hadlo xogaha daahsoon ee Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana lagu soo bandhigay xogo xasaasi ah, iyadoo lagu wareystay shakhsiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo haatan ku jira gacanta dowladda Soomaaliya.

Barnaamijkaan ayaa diiradda saaraya qaabka qofka loogu qanciyo inuu is-miidaamiyo oo isku qarxiyo dadka kale, waxaana lagu wareystay oo arrimahaas si faahfaahsan u sharaxaya Cabdifitaax Aadan Isxaaq oo sanadkii 2015-kii degmada Saakow uga biiray kooxda, Saciid Dilib oo 2008-dii uga biiray Muqdisho iyo Subeyr Al-Muhaajir oo u dhashay wadanka Ivory Coast.

Subeyr Al-Muhaajir oo u dhashay dalka Ivory Coast waxa uu sheegayaa in hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane ay mar isku qabteen qaraxii Hotel Shaamow.

Sidoo kale waxa uu sharaxayaa shakhsiyadda hoggaamiyaha haatan ee Al-Shabaab Axmed Diiriye, kaas oo uu ku tilmaamay nin khiyaano badan oo ahaan jiray kaaliyaha gaarka ah ee Axmed Godanihii la dilay.

Sanadkii 2019-kii ayuu ninkaan u dhashay Ivory Coast  isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, kadib mudo seddax sano ah oo deegaanka Galhareeri ee gobolka Galgaduud uu ugu xirnaa kooxda, kadib markii ay isku qabteen hanaanka dadka looga qaadayo sekada.

Saciid Caballe Dilib oo ka mid ah shakhsiyaadka lagu soo bandhigay barnaamijkaan ee lasoo shaqeeyey Al-Shabaab iyo Daacish ayaa sheegay in haatan uu diiwaan gelin ku bilaabayo dadkii ay dileen Al-Shabaab ee lagu shabadeeyey ama lagu sheegay inay ahaayeen saraakiil dowladeed.

Waayihiisii ugu dambeeyey ee kooxda Al-Shabaab waxa uu sheegay inuu xoogga saaray sidii uu uga dhaadhicin lahaa in xasuuqa laga daayo dadka aan waxba galabsan, balse markii uu arkay in cid wax ka maqleysa aysan jirin uu isaga baxay oo Daacish uu ku biiray.

Saciid Dilib markii uu ku biiray Daacish waxa uu sheegay in gobolka Bari ee Puntland uu kula kulmay hoggaamiyaha Daacish Cabdulqaadir Muumin oo xiriir dhow ay la haayeen intii uu la shaqeynayey Al-Shabaab, balse markii uu ku biiray kooxdiisa uu ku hungoobay balan-qaadyadii uu u sameeyey,sida uu sheegay, taas oo ku kaliftay inuu isku soo dhiibo dowladda Soomaaliya.

Hoos ka daawo barnaamijka oo dhameystiran

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More