Daawo: Dowlada oo war kasoo saartay kulanka Rooble uu la qaatay hogaamiyaasha gobolada – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan casho ah la qaatay madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed Jubaland iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Wafdigan ayaa saacadihii la soo dhaafay soo gaaray Caasimadda Muqdisho, waxaana wali soo gaarin madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Puntland.

Kulanka cashada ah ee Ra’iisul Wasaaraha uu la qaatay labada hogaamiye ayaa imaan doona marka la filayo in si rasmi ah uu uga furmo Caasimadda Muqdisho shirka golaha latalinta qaran ee xalinta khilaafaadka doorashada.

Kulankaan ayaa caawa ka dhacay Hotelka Decale oo ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Caasimadda Muqdisho, markii Xalane uu martigaliyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo HirShabeelle ayaa sidoo kale la filayaa in maalinta beri ah ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa lagu wadaa inuu ka furmo maalinta Sabtida ah ee 22-ka bishaan teendhada Afisyooni ee Xalane, maadaama ay tahay maalin Jimce ah, isla markaana madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo HirShabeelle aysan wali gaarin Caasimadda Muqdisho.

Shirka ayaa lagu waday inuu ka furmo Caasimadda Muqdisho Khamiista oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20-ka May, laakiin dowladda ayaa sheegtay in dib u dhaca uu ku yimid cilado farsamo.

Afhayeenka dowlada Maalimuu ayaa sharaxaya kulanka caawa

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More