Ciidamada ammaanka oo markale howl-gal culus ka fuliyey Muqd…

Muqdisho (Axadle) – Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa xalay howl-gal culus oo gaar ah ka sameeyey xaafado ka tirsan Caasimadda Muqdisho, si gaar ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka.

Howl-galka oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay guri-guri ugu galeen xaafado ku yaallo Dayniile, iyaga oo ku sameeyey baaris xoog leh.

Saraakiisha horkaceysay howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday in u jeedkooda u ahaa baad-goobka xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo kooxaha dhaca ka geysta degmadaasi.

Ma shaacin saraakiishu natiijada ka soo baxday baaritaanadan iyo haddii ay jiraan shaqsiyaad ay ku soo qab qabteen intaba.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan baaritaanadooda si loo xoojiyo xaqiijinta aminga Axadle, maadaama ay dhowaan ka dhaceyso doorasho guud.

Howl-gallada ciidamada ayaa muddooyinkii dambe sare loo qaaday, waxaana horay looga fuliyey degmooyin badan, sida Hodan, Warta Nabadda, Boondheere & kuwa kale.

Waxaa sidoo kale inta ay socdeen howl-galladan oo soo billowday bishii hore lagu soo qab-qabtay rag kala duwan oo dhac ka geysanayey xaafado ka tirsan Muqdisho.

Si kastaba howl-galladan ayaa qeyb ka ah u diyaar garowga doorashooyinka ka dhacaya dalka oo isugu jira mida baarlamaanka iyo sidoo kale tan madaxweynaha intaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More