Cabsi laga qabo in Shabaab tusaale ka dhigato

Muqdisho (Axadle) – Qabsashada deg-degta ah ee kooxda Taalibaan ay ku qabsatay dalka Afghanistan ayaa muujineysa walaac ah inay dhiirri-gelin karto kooxaha kale ee maleeshiyaadka ah ee ka dagaallama caalamka, sida Al-Shabaabka Soomaaliya.

Khubaradu waxay ka digayaan in haddii howlgalka caalamiga ah ee jooga Soomaaliya isku dayaan inay amniga ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya xilligan, in dunidu arki karto soo noqnoqoshada wixii ka dhacay Afghanistan.

Cabdusalaam Guleed oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajihi karto xaalad la mid ah tan Afghanistan, haddii aysan dowladda Soomaaliya soo afjarin ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye.

Guuleed ayaa hadalkan sheegay maalin kaddib markii Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa u dabbaaldegtay dhicitaankii dowladda Afghanistaan, wuxuuna sheegay in inkasta oo Al-Shabab aysan lahayn awoodda milatari ee Taalibaan, haddana aanu shaki ku jirin inaysan waxba hor istaagi doonin haddii ay doortaan jidkaas.

Ku xigeenkii hore ee ee Hay’adda Sirdoonka Sooomaaliya, Guuleed, wuxuu intaas ku daray in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay hadda gacanta ku hayaan ayna mas’uul ka yihiin amniga inta badan gobollada dalka, iyagoo taageero ka helaya ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Bishii Abriil, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxay la wareegeen hoggaanka howlgallada, sida lagu qeexay Qorshaha Kala -guurka Soomaaliya oo ay oggolaadeen dowladda iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM. Qorshahan ayaa ah istaraatiijiyad ay ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM si tartiib tartiib ah ugu wareejin doonaan mas’uuliyadaha amniga – hay’adaha amniga Soomaaliya kahor bixitaankooda, waxaana qorshahan oo la saxiixay 2018 ku jira dhimista ciidamada shisheeye.

Bishii la soo dhaafay, milateriga ayaa sheegay in ka badan 250 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgallada milateriga Soomaaliya oo aan caawimaad ka helin AMISOM.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay warbaahinta maxalliga ah, la -taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Cabdi Saciid Cali, wuxuu si adag u diiday in la isbarbar dhigo xaaladaha amniga ee Muqdisho iyo Kabul, ama milateriga Soomaaliya oo la barbardhigay ciidamada Afghanistan.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ayaa Al-Shabab ka saaray Muqdisho 2011, laakiin kooxda ayaa wali fulisa qaraxyo iyo weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah. Waxay dhowaan ay ku hanjabtay inay carqaladeyn doonto doorashooyinka Soomaaliya ee socda, iyadoo uga digtay ergooyinka qabaa’ilka inaysan ka qayb qaadan howlaha doorashada.

VOA

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More