Cabdiraxmaan Odowaa u jawaabay Dubbe – “Wuxuu

Gaalkacyo (Axadle) – Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo maanta dib loogu doortay kursiga HOP#069 ayaa guushiisa, kadib u jawaabay wasiirka warfaafinta, ahna Senatar ka tirsan xubnaha loo dooratay Golaha Aqalka Sare, Cismaan Abuukar Dubbe oo la safnaa Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo markii dambe ka tanaasulay loolanka tartanka.

Odowaa oo hadal ka jeediyey doorashadiisa ayaa sheegay in weerarka uu Dubbe ku soo qaaday intii uu ku jiray ololaha doorashada uu daba socdo dagaalkii ka dhashay is hortaagii muddo kororsigii labada sano ahaa ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

“Ninka la yiraahdo saaxibkey Dubbe marar badan waad ogtihiin waxa nasoo dhex-maray Dubbe gacaankii nimankii aan la dirirsanaa ayuu ka tirsanaa shantii sano ee lasoo dhaafay afhayeenkeedii ayuu u ahaa marka culeys halkaas ka yimid aan u maleynayaa duulaanka uu Dubbe soo qaaday mid hadda nidaamka uu la socdo niyadeeda ah ma’aha,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan rabaa inaan u sheego Dubbe cadka ina Odowaa cad fudud in uusan aheyn, cadka reer Mudugna in uusan cad fudud aheyn,”.

Intaas kuma ekaan Odowaa, wwuxuuna jawaabtiisa sii raaciyey in Dubbe uu haatan malxiis ka yahay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ogahay inuu malxiis ka yahay Aqalka Sare, malxiisnimada ruuxeeda saa uga shaqeyn lahaa ayaan ka shaqeynayaa saacadaan wixii laga bilaabo” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa si ballaaran ugu mahadceliyey ergada dooratay iyo dhammaan taageerayaashiisa.

“Waxaan rabaa inaan idin mahadceliyo meel kasta oo aad adduunka ka joogtaan daafihiisa kursigana waxaan damaanad qaadayaa inaan ugu adeego dadka iyo deegaanka,”.

Odowaa oo ka mid ahaa xubnaha mucaaradka ee ku jiray baarlamaankii 10-aad ayaa markale ka mid noqday xubnaha dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More