Booliiska Gobaladda Waqooyi oo digniin u diray xisbiyada mucaaradka

Sabti, Luulyo, 30, 2022 (AX) – Ciidanka Booliiska Gobaladda Waqooyi, ayaa xisbiyada mucaaraka Gobaladda Waqooyi uga digay in ay qabtaan mudaharaad anay ogolaansho u haysan.Muuqaal lagu baahiyay boga Facebook ee ciidanka booliiska, ayay saraakiil ka tirsan ciidanku axsaabta mucaaradka ah ugaga digeen in ay abaabulaan mudaharaad anay fasax u haysan.

“Bannaanbax aan fasax loo qaadan oo rag iska sameeyo oo dad soo kaxaysto, oo dhalinyarada soo kiciyo, waa sharci daro ta u wayn, waana ta booliisku u abuuranyahay in uu ka hortago, wuu ka hortagayaa wixii sharci daro wada” mid kamid ah saraakiisha hadashay ayaa sida yiri.

Taliyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay booliiska ka caawiyaan is hortaaga bannaanbaxyada “Dad waynahana waxaanu ku wargalinaynaa in ay nagu gacansiiyaan arrinkaana ogaadaan”.

Xisbiyada mucaaradka Gobaladda Waqooyi ayaa qorshaynaya mudaharaado ay kaga soo horjeedaan, in doorashada madaxtooyadu ay dib uga dhacdo 13 November, kadib markii ay burbureen wadahadaladii ay la layaaheen mucaaradka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More