Beesha dadkii lagu laayey Golweyn oo go’aan culus

Muqdisho (Axadle) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen ugaasyo, odayaal dhaqan iyo beeralayda gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada Hoose, kaas oo looga arrinsanayey dadkii shacabka ahaa ee AMISOM ay dil wadareedka ugu geysatay deegaanka Golweyn.

Bayaan ka soo baxay shirkaas waxay ku cadeeyeen waxgaradkii maanta isuyimid in AMSOM ay weli diidan tahay inay qirato dilka dadkii shacabka ahaa ee Golweyn ay ku leysay.

Falkaas waxa uu Golweyn dhacay 10-kii bishan, waxayna waxgaradkii maanta Muqdisho ku shiray bayaan ay soo saareen ku sheegeen inay aad uga caroodeen sida ay ula dhaqantay AMISOM, markii ay dadkaas dileen kadib.

“Caradeenu kama dhalan kaliya xasuuqii dadkeena ee waxaa dabka ku sii shiday sida ixtiraam darrada ah oo ay noola dhaqmeen saraakiisha AMISOM markii aan isku daynay inaan kala hadalno dadkii ay naga dileen iyo inkiraad ay ku kacayaan, iyadoo wax kasta ay cadyihiin,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale warka ka soo baxay waxgaradkii maanta kulmay waxaa lagu sheegay in AMISOM ay xasuuq joogto ah ku heyso shacabka ku nool gobollada Shabeellooyinka, iyagoo ku baaqay in kacdoon culus laga sameeyo falkaan, go’aana ku soo saaray in meydadka dadkaan aan la aasi doonin ilaa AMISOM ay ka qirato dilkoodii.

Ugaaska beelaha Mudullood, Ugaas Maxamuud Ugaas Cali oo kulankaas kadib VOA la hadlay ayaa sheegay in dhowr jeer ay arrintaas kala kulmeen saraakiisha AMISOM, balse ay si cad u diideen inay qirtaan dadka ay laayeen, waxuuna mar kale wacad ku maray inaan la aasi doonin meydadka dadkaas oo weli qaboojiye ku jira.

“Markii aan mudo wadahadalnay waxay saraakiisha AMISOM na yiraahdeen guddi nagu dara, aan soo aragno meesha dadka lagu dilay, markii meesha la tegay waxaa la wada qiray in dadkaas ay ahaayeen shacab si gar-darro ah loo dilay, kadib waxaan ka sugeynay inay qirtaan inay falkaas ka dambeeyeen, balse waaa ka meer-meereen, iyagoo og inay dhibaatadaas geysteen,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Waxa uu sheegay in arrintaan aysan ka hari doonin ilaa dadkaas ay cadaalad ka helaan, “Haba yaraatee rajo lagama qabo inaan arrintaan ka harno, wado kasta oo sharcigu noo ogolyahay ayaan mari doonaa, waa daali doonaan hadey AMISOM is leedahay, ma daali doono,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga Ugaaska

https://www.Axadle.net/wp-content/uploads/2021/08/09b30baa-353b-4c73-9abd-4ac1279842b0_16k.mp3

Hoos ka daawo bayaanka ka soo baxay shirkii waxgaradka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More