Banaan-baxyo horleh oo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Axadle) – Magaalada Muqdisho ee Axadle Soomaaliya waxaa maanta markale dibad-bax ballaaran ka dhigay qaar ka mid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda askarnimada loogu qaaday dalka Eritrea, iyagoo baaq u diray dowladda dhexe.

Waalidiintan ayaa weli baadi goob ugu jiro wiilashooda oo war iyo wacaal laga waayey, tan iyo markii loo qaaday dalka Eritrea, waxana cabashadu ay kasii dartay markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in dhalinyaradaas qaarkood laga dagaal-geliyey gobolka Tigray.

Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay isgoys KM4 ee Caasimadda Muqdisho ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah madaxda muddo xileedkooda uu dhammaaday, waxayna ku eedeeyeen inay ka gaabiyeen wal-walka waalidiinta e&  maqanaashiyaha caruurtaooda.

Sidoo kale qaar ka mid ah waalidiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa markale ka dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inuu soo fara-geliyo arrintan, isla-markaana uu ka hadlo xaaladda ay haatan ku sugan yihin dhalinyaradii Soomaaliyeed ee la geeyey Eritrea.

Baaqan cusub ee kasoo yeeray waalidiinta Soomalaiyeed ayaa kusoo aadaya, iyada oo laga cabsi qabo in markale uu dib u qarxo dagaalka gobolka Tigreey ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Itoobiya jabhadda hubeysan ee TPLF oo dib u qabsatay degaano hor leh.

Dibad-baxan ayaa sidoo kale wuxuu imaanayaa, xilli aysan weli wax shaqo ah qaban guddigii uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble u xil-saaray cabashada waalidiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa caruurtooda tababar ahaanta loogu qaaday dalka Eritrea.

Si kastaba dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli jawaabin rasmi ah ka bixin cabashada kasoo yeereysa waalidiintan oo ah mid soo noq-noqotay, marka laga reebo hadallo ay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay u mariyeen dhanka warbaahinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More