Laba Saac Ka Hor Kulanka, Shaxda Ay Real Madrid Kaga Hor Tagi Doonto Man City Oo La Ogaaday.
Shaxda ay Real Madrid kaga hor tagayso Man City ayaa la sii ogaaday 2 saac ka hor kulanka adag ee ka dhici doona Santiago Bernabue.
Real Madrid ayaa marti galinaysa kooxda Man City kulan ka tirsan champions League lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka champions League.
- Advertisement -
Xiddiga khadka dhexe ee Luca Modric ayaa ku bilowday shaxds Los Blancos kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu qabay.
Xiddiga Rodrygo oo laba gool dhaliyay Final-kii Copa del Rey-ga ayaa sidoo kale ku bilowday kulanka.
Shaxda Rasmiga Ah Ee Real:
Real Madrid XI: Courtois, Carvajal, Rudiger, Alaba, Camavinga, Valverde Kroos, Modric, Rodrygo, Benzema, Vinicius.
Kaydka: Lunin, Lopez, Vallejo, Nacho, Odriozola, Lucas, Tchouameni, Mariano, Hazard, Asensio
Related