Koox hubaysan oo ku hanjabtay in ay la dagaalami doonto xukuumada Gobaladda Waqooyi

Koox Hubaysan Oo Ku Hanjabtay In Ay La Dagaalami Doonto Xukuumada Gobaladda Waqooyi

Isniin, Luulyo, 24, 2023 (AX) – Koox hubaysan oo la sheegay in ay isku urursanayaan buurta Gacan Libaax ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan xukunka madaxweynaha Gobaladda Waqooyi.Kooxdan oo shalay muuqaaladooda lagu baahiyay baraha bulashada ayaa sheegay in ay ka biyo diidsanyihiin hab maamulka madaxweynaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, waxayna sheegeen in qaar kamid ahi ay yihiin ciidamo kasoo goostay millateriga Gobaladda Waqooyi.

“Dadku hayska qabtaan rajiimka, ku raagay meesha ee gafanoobay, ee dhiiga dadka cabaya, xukuumad nijaas ah oo dadkii iyo dalkiiba baadhatay oo macal qawmukuud keentay ayaad moodaysan dowlad” mid kamid ah ragan hubaysan ayaa sidaa ku sheegay muuqaal ay iska duubeen.

- Advertisement -

Hadaba, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Gobaladda Waqooyi Saleebaan Maxamuud Aadan, oo kulankii golaha ee maanta kusoo hadal qaaday kooxdan hubaysan, ayaa ku baaqay in laga daba tago, oo la xaliyo cabashadooda.

“Waan maqlayaa dhallinyaro buuro gashay, qaran ahaan iyo qoys ahaanba waa in laga daba tagaa, waxan dhib ahayn inoosoo kordhinmayso, in aynu arrintaa ka daba tagno oo deg deg u xalino weeyi” ayuu yiri Guddoomiye Saleebaan.

Intii uu madaxweyne Biixi xilka hayay dhowr jabhadood oo hubaysan ayaa ku dhawaaqay dagaal ay kaga soo horjeedaan xukuumada madaxweynaha, lakiin dhamaantood si nabada ayaa hubka lagaga dhigay markii danbe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept