Klopp Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Uu Shaki Ku Jiro Kulanka Newcastle.

Klopp Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Uu Shaki Ku Jiro Kulanka Newcastle.
3

Kooxda Liverpool ayaa war xun ka heshay xaalada daafaca kooxdeeda ka hor kulanka Newcastle ee horyaalka premier League.

Ka dib markii ay diiwaan galiyeen guushoodii ugu horeysay ee Premier League xilli ciyaareedkii 23/24 isbuucii hore ee ay ku garaaceen Bournemouth garoonka Anfield, Liverpool ayaa wajihi doonta imtixaan adag axadan iyagoo u safraya St. James’ Park.

Isagoo la hadlayay warbaahinta ka hor kulanka, Klopp ayaa si kooban uga warbixiyey xaalada dhaawaca kooxdiisa ka hor kulanka Eddie Howe.

Isaga oo war fiican ka bixiyay xiddigaha Trent Alexander-Arnold, Thiago Alcantara iyo Curtis Jones hadana Klopp ayaa war xun ka sheegay daafaca Ibrahima Konate.

Klopp ayaa yiri: “Trent [waa taam] haa. Thiago iyo Curtis laga bilaabo Isniinta wixii ka dambeeya laakiin Konate Ayuu shaki ku jiraa.

“In 40 daqiiqo Ku ciyaartid 10 xiddig kadib kaadhkii casaa ee Mac Allister waa arin weyn”ayuu sii raaciyay.

Related