Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Dominik Szoboszlai
Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga Dominik Szoboszlai kadib markii uu dhaawac ku seegay kulankii saaxiibtinimo ee Greuther Furth.
Xiddiga xagaagan ku soo biiray Liverpool ayaa dhaawac ku seegay kulanka kadib markii uu ku dhaawacmay tababarka todobaadkii hore.
- Advertisement -
Tababare Klopp ayaa wax laga waydiiyay xaalada xiddiga kadib kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay kooxda Greuther Furth.
“Haddii uu maanta jiri lahaa kulan Premier League ah wuu ciyaari karay Laakiin wax khatar ah maanu galin”ayuu Klopp yidhi.
“Waan arki doonaa kulanka Leicester City hadii uu ciyaari karo laakiin waxa aan hubaa in uu ciyaari doono kulanka Bayern”
Xiddiga ayaa Dominik Szoboszlai ayaa ciyaaray kulankii ugu horeeyay ee ay Liverpool guusha ku bilaabatay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Sii Akhriso: HALIS: Ra’iisal Wasaaraja Itoobiya Oo Ku Hanjabay In Ay Xoog Ku Qabsan Doonaan Dekkedaha Somalida.
Related