Klopp” Barri Hore Ayaa Noogu Dambaysay Dareenka Fiican Ee Guusha.

Klopp” Barri Hore Ayaa Noogu Dambaysay Dareenka Fiican Ee Guusha.
2

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Wolves kulan ka tirsanaa ku celiska FA Cup-ka.

Liverpool ayaa 1/0 ka gaadhay kooxda Wolves iyaga oo iska xaadiriyay wareega 4 dhamaadka tartanka FA Cup-ka.

Reds ayaan wax guul ah gaadhin kulamadii ugu dambeeyay Klopp ayaana ka hadlay dareenkiisa ku aadan guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Wolves.

Kopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi“Waa dareen aad u fiican in aan guul gaadhno oo aan gudubno sidoo kale si fiican u ciyaarno”.

“Waxa ay muddo dheer noogu dambaysay in aan dareeno dareenka guusha kadib wakhtigii adkaa ee aan ku jirnay”.

“Waxa aan u dagaalanay sidii aan natiijo uga heli lahayn kulanka ilaa dhamaadka waxana aan doonaynaa in aan ku raaxaysano guusha”.