Kieran Tierney Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Arsenal Xilli Uu Shaki Ku Jiro.

Kieran Tierney Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Arsenal Xilli Uu Shaki Ku Jiro.

Kieran Tierney ayaa qirtay in mustaqbalkiisa Arsenal uu ka baxsanyahay gacmihiisa, laakiin wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxda.

Xiddiga reer Scotland ayaa ka baxay qorshaha Mikel Arteta xilli ciyaareedkii hore isaga oo kaliya ku bilowday 6 kulan isla markaas booskiisa u waayay xiddiga Oleksandr Zinchenko.

- Advertisement -

Inkasta oo uu 36 kulan u saftay Arsenal xilli ciyaareedkii hore hadana inta badan waxa uu ku soo galay badal.

Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha Newcastle iyo Celitc xilli ay jiraan warar sheegaya in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan si uu u raadsado boos joogto ah.

Tierney waxa uu aqbalay in koox wayn aanu ciyaartoygu filan karin in lagu bilaabo shaxda kulan kasta isla markaas uu dadaali doono.

Isaga oo ka hadlaya mustaqbalkiisa ayuu Tierney yidhi”Runtii aniga iguma xidhna, kooxda aad ayaan ugu faraxsanahay, maalina walba si adag ayaan u shaqeeyaa”.

Sii Akhriso: HALIS: Ra’iisal Wasaaraja Itoobiya Oo Ku Hanjabay In Ay Xoog Ku Qabsan Doonaan Dekkedaha Somalida.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept