Kepa Arrizabalaga Oo Ka Hadlay Sababtii Uu U Diiday Bayern Munich.

Kepa Arrizabalaga Oo Ka Hadlay Sababtii Uu U Diiday Bayern Munich.

Goolhayaha kooxda Real Madrid, Kepa Arrizabalaga, ayaa sharaxay sababtii uu u diiday inuu u dhaqaaqo Bayern Munich intii lagu jiray suuqii xagaaga.

Kepa ayaa aad ugu dhawaa inuu u dhaqaaqo Bayern Munich, laakiin heshiiska ayaan dhicin kadib markii ay Real Madrid ku biirtay tartanka.

- Advertisement -

Bayern Munich ayaa doonaysay saxiixa Goolhaye Kepa Laakiin markii ay Real Madrid ku biirtay tartanka waxa uu Goolhayuhu doortay in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Kepa ayaa arrintan kaga hadlay hadal uu siiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain, wuxuuna yidhi:”Real Madrid waa Real Madrid, marka ay kula soo xidhiidho dookhu wuu fududyahay”.

“Chelsea way doonaysay in aan sii joogo laakiin waxa aan doonayay in aan ku biiro Real Madrid”.

“Waxa aan 3 jeer ka hor tagay Real Madrid markii aan joogay chelsea waxana aan ku faraxsanahay in aan Bernabue ka ciyaaro aniga oo xidhan maaliyada Real”ayuu sii raaciyay.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept