Jabhada buurta Gacanlibaax oo diiday go’aankii la doonayay in hubka lagaga dhigo
Axad, September, 10, 2023 (AX) – Jahhada buurta Gacanlibaax ayaa baabuur ay leedahay Wasaarada Biyaha Gobaladda Waqooyi kasoo afduubtay degmada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer, waxayna sheegeen in ay weeraro kale qaadi doonaan.Muuqaal ay iska soo duubeen kadib markii ay baabuurka la yimaadeen buurta Gacanlibaax, ayay Hogaamiyaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Gobaladda Waqooyi ugu baaqeen in ay iscasilaan, iyaga oo sheegay in anay weerarada joojin doonin.
“Ina Kaahin iyo Muuse Biixi haday shacabka u tudhayaan xilka hayska casilaan, si nabadgalyo iyo wadanoolaansho u timaado, hadii kale sidaa aanu dhoqoshay u imanayno ayaanu Oogna u iman karnaa, madaxtooyadana waanu iman doonaa” Mid kamid ah jabhada ayaa sida yiri.
Odayaasha dhaqanka ee beesha ay jabhadu kasoo jeedo ayaa maalmahan ku sugnaa Gacanlibaax, iyaga oo isku dayaya in ay jabhada ku qanciyaan in ay hubka dhigto, lakiin taasi ayaan wali lagu guulaysan.
Dhanaca kale, xukuumada Gobaladda Waqooyi ayaa cafis u fidisay xubnaha jabhada, kadib markii ay odayaasha dhaqanku xukuumada usoo jeediyeen in ay cafiso, isla markaana arrintooda halkaa lagu dhameeyo.