Jabhada buurta Gacan-libaax oo ka hadashay dagaalkii shalay dhexmaray ciidanka Gobaladda Waqooyi

Jabhada Buurta Gacan-libaax Oo Ka Hadashay Dagaalkii Shalay Dhexmaray Ciidanka Gobaladda Waqooyi

Sabti, Agoosto, 12, 2023 (AX) – Jabahada buurta Gacan-libaax ayaa ciidamada booliiska ku eedeeysay in ay soo weerareen shalay, waxayna sheegeen in ay dileen in ka badan 25 askari.Afhayeen u hadlay jabhada ku jirta buurta Gacan-libaax oo ka warbixiyay weerarkii shalay la sheegay in ay ku laayeen ciidamo booliis ah, ayaa dhankiisa weerarka ku eedeeyay ciidamada booliiska.

Waxa uu beeniyay warbixintii booliiska ee ahayd in ay dhinteen 9 askari waxa uuna sheegay in 25 askari ay dileen, isla markaana ka badan 30 askari ay dhaawaceen.

- Advertisement -

Booliiska ayaa xalay sheegay in jabhadu ay weerar ku qaaday ciidamo booliis ah oo safrayay, sidaana ay ku dileen 9 askari, isla markaana ay dhaawaceen 17 askari, xukuumada ayaa sheegtay in hada wixii ka danbeeya ay dagaal toos ah ku qaadi doonaan jabhada.

Xalay ilaa saaka waxa lagu arkayay wadooyinka Hargaysa ciidamo millateri ah, oo magaalada bari uga baxaya iyo kuwo booliis ah, oo dhamaantood kusii jeeda goobta ay jabhadu fadhido.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta Gobaladda Waqooyi oo meelo kala duwan maanta warbaahinta kula hadlay ayaa ku baaqaya in xabada la joojiyo, oo nabada la ilaaliyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept