Iska Ilow Man City, Arsenal Iyo Man United, Koox Lama Filaan Ah Oo Loo Saadaaliyay Ku Guulaysiga Horyaalka Premier League.

Iska Ilow Man City, Arsenal Iyo Man United, Koox Lama Filaan Ah Oo Loo Saadaaliyay Ku Guulaysiga Horyaalka Premier League.

Halyeeyga Premier League Stuart Pearce ayaa sameeyay saadaal lama filaan waxana uu Newcastle u saadaaliyay in ay Man City, Arsenal iyo Man United ku garaacdo horyaalka premier Leageu xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa isku dayi doonta ku guulaysiga horyaalka markii 4-aad oo xidhiidh ah xilli ay Arsenal doonayso in ay ku guulaysato horyaalka kadib markii ay aad ugu dhawaatay xilli ciyaareedkii hore.

- Advertisement -

Stuart Pearce ayaa sheegay in dhaawaca Kevin De Bruyne oo maqnaan doona muddo bilo ah ay dhibraaxo ku tahay rajada Man City ee horyaalka.

Arsenal iyo Man United ayaa ka mid ah kooxaha doonaya ku guulaysiga horyaalka laakiin Pearce ayaa rumaysan in uu Newcastleu saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka markii ugu horaysay kadib muddo 100 sano ah.

“Hadii aan runta ka hadlo, waxa aan qabaa in ay Newcastle ku guulaysanayso horyaalka sanadkan, saadaashaas ayaan ku adkaysanayaa”ayuu yidhi xiddigii hore ee England.

“Marka la eego suuqooda iyo sida ay wax u socdaan waxa aan filayaa in ay ku guulaysan karto horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept