Inter Mise Man City? Chris Sutton Oo Saadaaliyay Final-ka Champions League.
Weeraryahankii hore ee kooxda Chelsea Chris Sutton ayaa saadaaliyay in Manchester City ay 4-0 ku badin doonto kulanka finalka UEFA Champions League ee ay Inter Milan kula ciyaari doonto garoonka Ataturk Stadium ee magaalada Istanbul.
Manchester City ayaa qarka u saaran inay ka soo muuqato finalkii labaad ee UEFA Champions League seddex xilli ciyaareed gudaheed. Waxa ay cel celis ahaan 5-1 kaga badiyeen kooxda Real Madrid afar dhamaadka ka dib markii ay 4-1 ku garaaceen Bayern Munich wareega 8da.
- Advertisement -
Dhanka kale Inter Milan ayaa qarka u saaran inay ka soo muuqato finalkii ugu horeeyay ee Yurub muddo 13 sano ah. Waxa ay si fudud uga faa’iidaysteen wadadii ay ku tagi lahaayeen Istanbul, iyagoo 3-0 ku garaacay AC Milan semi-finalka iyo Benfica 5-3 wareega sideed dhamaadka.
Sutton oo la hadlaya BBC Sport ayaa fikirkiisa ka dhiibtay final-ka caawa Inter iyo Man City ku dhex mari doona caasimada Turkey-ga.
““Kulankan waa mid halis u ah Manchester City, Inter Milan waa koox weyn oo kubada cagta Yurub ah, laakiin waqtigan xaadirka ah, kooxda Pep Guardiola ayaa aad uga sareysa, qof walba wuxuu rajeynayaa in City ay guuleysato, laakiin waa in laga fikiraa inay xaaladaan hore ugu jireen, markii qof walba uu filanayay inay garaacaan kooxo yaryar, mana aysan sameynin”.
“Taariikhda City ee Champions League tan iyo markii uu Guardiola la wareegay xilka tababaranimo sanadkii 2016 waxa ay kugu keenaysaa in aad is waydiisi hadii ay Man City mar kale seegi doonto laakiin waxa laga yaabaa in ay nasiib yeeshaan markan”.
Related