Inter Milan Oo Markii 7-aad Ku Guulaystay Super-Cup-ka Talyaaniga, Ac Milan Ayay Garaaceen.

Inter Milan Oo Markii 7-aad Ku Guulaystay Super-cup-ka Talyaaniga, Ac Milan Ayay Garaaceen.
2

Kooxda Inter Milan ayaa garaacday kooxda ay xafiiltamaan ee Ac Milan kulan ka tirsan Supercoppa Italiana kana dhacay dalka Sucuudiga.

Inter ayaa markii 7-aad ee taariikhdooda ku guulaystay koobka Supercoppa Italiana kadib markii ay u awood sheegatay kooxda Ac Milan.

Koxda Inter ayaa si-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo ka fiicnaa Ac Milan oo aan si fiican ku bilaaban kulanka.

Daqiiqadii 10-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Federico Dimarco kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Inter ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso in ay dhaliso goolal kale oo ay ciyaarta ku dheeraysato isla markaas ku disho rajada Milan.

Daqiiqadii 21-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Eden Dzeko kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo Inter Milan wax walba ku fiicantahay una awood sheegatay kooxda Ac Milan.

Qaybta dambe ayay Inter sii waday dadaalka ay ku doonayso goolal kale xilli ayna Ac Milan wax tallabo ah u qaadin sidii ay u dhalin lahayd goolal kale.

Daqiiqadii 77-aad ayay Inter dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Lautaro Martinez kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Inter ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Inter Milan markii 7-aad ee taariikhdooda ku guulaysatay tartanka Supercoppa Italiana