Inter Milan Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Chelsea Ee Goolhaye Andre Onana

Madaxa Inter Giuseppe Marotta ayaa meesha ka saaray fursadaha ay Chelsea kula saxiixan karto Goolhaye Andre Onana, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in kooxda Premier League ay diyaarineyso dalab 40 milyan ah.

Goolhyaha reer Cameroon ayaa dib u dhisay sumcadiisa waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan.

- Advertisement -

Onana ayaa bartilmaameed u ahaa Arsenal laakiin ganaaxaas ayaa keentay in rajadiisa u dhaqaaqista waqooyiga London ay meesha ka baxday, laakiin u wareegida Premier League ayaa dib ugu soo laabatay.

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Diyaarinayso dalab 40 milyan si ay u hesho saxiixa Goolhayaha reer Cameroon.

Laakiin Marotta ayaa sheegay in ayna Blues wax fursad ah u haysan saxiixa Goolhayaha hadii ayna kor u qaadin dalabka ay ku doonayso.

“Ma aqbalayno 40 milyan oo euro, ma dhacayso, Ma rabno in aanu iibino, wiilkuna wuu ku faraxsanahay”.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept