Inter Milan Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Ay Dhigtay 28 Sano Ka Hor.
Kooxda Inter Milan ayaa Tallaabo u qaaday Final-ka tartanka champions League kadib markii ay garaacday jaarkeeda Ac Milan.
Inter ayaa 2/0 ku garaacday kooxda ay ku xafiiltamaan magaalada Milan ee Ac Milan kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega Semi-final-ka tartanka.
- Advertisement -
Kadib guusha kooxda Inter ayaa boodhka ka jafatay rikoodh ay dhigtay muddo 28 sano ah ka hor.
Inter ayaa xilli ciyaareedkan 3 jeer ka badisay kooxda ay jaarka yihiin ee Ac Milan iyada oo kulamadaas ka yimaadeen Supercoppa Italiana, Serie A iyo champions League.
Waa markii ugu horaysay tan ilaa 1994/1995 oo ay kooxda Inter Milan 3 jeer garaacday xilli ciyaareed gudihiis kooxda ay xafiiltamaan ee Ac Milan.
Related