Inter Milan Oo 10 Sano Kadib Iska Xaadirisay Final-ka Champions League, Milan Ayay Ka Taqaluseen.
Kooxda Inter Milan ayaa iska xaadirisay Final-ka koobka Champions League kadib markii ay garaaceen kooxda ay jaarka yihiin ee Ac Milan.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Inter 2/0 ku hogaaminayso guud ahaan kulanka maadama ay badisay kulankii lugta hore ee tartanka champions League.
- Advertisement -
Labada kooxood ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed isku dheelitiran iyada oo koox walba doonayso sidii ay u badin lahayd kulanka.
Inter Milan oo natiijo ahaan hogaaminaysa ciyaarta labada kulan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed isku dheelitiran.
Ac Milan ayaa ku riixaysay Inter in ay ka dhaliso goolka ay ciyaarta wax uga badalayso xilli ay Inter lafteedu fursado abuurayso.
Waxa ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah inkasta oo ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar weerar ah.
Qaybta dambe ayay Inter si dar-dar leh ku bilaabatay xilli ay Ac sidoo kale raadinaysay sidii ay u dhalin lahaayeen goolal ay ciyaarta ugu soo laabtaan.
Daqiiqadii 74-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Lautaro Martinez kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0 ay Inter ku hogaaminayso.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Inter Milan 3/0 kaga badisay kooxda Ac Milan labadii lugood ee kulanka tartanka champions League.
Kooxda Inter Milan ayaa iska xaadirisay Final-ka tartanka Champions League markii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2010 oo ay ku guulaysteen champions League
Related