Ingiriiska iyo Gobaladda Waqooyi oo ka wada hadlay dagaalka Laascaanood iyo doorashooyinka
Arbaco, May, 24, 2023 (AX) – Safiirka cusub ee Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis iyo Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka wada hadlay dagaalka Laascaanood iyo doorashooyinka.Kulanka safiirka iyo madaxweynaha oo ka dhacay Madaxtooyada Gobaladda Waqooyi ayaa layskula soo qaaday colaada Laascaanood, isaga oo Biixi safiirka u sheegay in Gobaladda Waqooyi ay ka go’antahay xabad joojin.
“Waxa kulankaa lagaga hadlay arrinta dagaalka Laascaanood sidii xal loogu heli lahaa, waxaanu madaxweynuhu safiirka la wadaagay in marwalba ay ka go’an tahay xukuumadda xabbad-joojin, diyaarna ay dawladdu u tahay nabad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kulanka kasoo baxday.
- Advertisement -
Hogaamiye Biixi ayaa munaasibadii 18 May ka sheegay in uu dagaalka Laascaanood soconayo inta la gaadhayo xadkii Ingriiska ee Gobaladda Waqooyi.
Dhinaca kale, kulanka ayaa layskula soo qaaday geedi socodka doorashooyinka soo foodle, madaxweynaha ayaana safiirka u sheegay in howlaha doorashooyinku u socdaan si habsami leh.
“Waxa kale oo laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Gobaladda Waqooyi ku soo fool leh, waxaanu madaxweynuhu u sheegay safiirka inay si habsi leh u socdaan hawlaha u diyaar garowga doorashooyinku, sida shaqada daabacaadda iyo qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha” Ayaa warsaxaafadeeda lagu yiri.
Ugu danbayn, kulanka ayaa lagaga hadlay mashaariicda horumarineed ee Ingiriisku ka hirgaliyo Gobaladda Waqooyi, dekedda Berbera iyo wadada Berbera Corridor.