Ian Wright Oo Kashifay Furayaasha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Ian Wright Oo Kashifay Furayaasha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Arsenal ayaa halkeeda ka sii wadatay bilowgeedii xooganaa ee xilli ciyaareedkan waxana ay shalay oo Axad ahayd guul 1/0 ah ka gaadhay kooxda Everton kulan ka tirsanaa todobaadkii 5-aad ee horyaalka premier League.

Halyeyga Arsenal Ian Wright ayaa aaminsan in Gunners ay isku daydo inay garaacdo Manchester City si ay u baacsato hanashada horyaalka Premier League.

- Advertisement -

Halyeyga Arsenal Ian Wright ayaa aaminsan in Gunners ay isku daydo inay garaacdo Manchester City si ay u baacsato hanashada horyaalka Ingiriiska.

Arsenal ayaa sanado badan ku fashilantay in ay ka badiso Everton kulan ka tirsan horyaalka.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii hore si aad ah ula tartamaysay kooxda Manchester City oo ku guulaysatay koobka horyaalka Premier League waxana laga badiyay kulamadii ugu dambeeyay.

Wright ayaa u sheegay Metro”Kulamadaas waa kulamo waaweyn laakiin Kulanka PSV ma odhan doono sababta oo ah waa kulan champions League ah Waana kulankii ugu horeeyay sidaas darteed waxa ka muhiimsan kulanka Tottenham”

Wuxuu ku daray: “Markaa waa Manchester City cidda aan u maleynayo haddii Arsenal ay si dhab ah u damacsan tahay inay ku guuleysato horyaalka, waa inay garaacaan ugu yaraan hal mar.”

“Waxan isku dayi doonaa in aan garacno iyaga sidoo kale garaacno kooxaha kale isla markaas rajayno in ay kooxaha kale sidoo kale garaacaan iyaga”.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept