Howlgal lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

#image_title

Khamiis, May, 11, 2023 (AX) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 14-ka Oktoobar ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Gumeysidiid oo ku yaala duuleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay 5 xubnood oo ka mid ah dagaalyanahada Al-shabaab, islamarkaana lagu dhaawacay tiro kale sida uu warbaahinta u ogyahay Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Nuur Maxamed Gaaboow.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay heleen xogta koox ka mid ah Al-shabaab oo isku aruursanaayay deegaanka Gumeysidiid oo uu sheegay iney qorsheynayeen iney geystaan weeraro.

- Advertisement -

Wuxuu sidoo kale xusay in ciidamada ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan kooxda al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.

Guutada 14-ka Oktoobar ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gobolka Shabeelaha Hoose inta badan ka fuliya howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept