Hordhac: Man City Vs Red Star Belgrade: Man City Oo Bilaabanaysa Difaacashada Champions League.

Hordhac: Man City Vs Red Star Belgrade: Man City Oo Bilaabanaysa Difaacashada Champions League.

Kooxda Man City ayaa bilaabanaysa difaacashada champions League iyaga oo la ciyaari doona kooxda Red Star Belgrade kulan ka tirsan kulankii 1-aad ee wareega Group-yada.

Man City ayaa doonaysa in ay guul ku bilaabato xilli ciyaareedkeeda champions League iyo difaacashada koobka ay ku guulaysteen xilli ciyaareedkii hore.

- Advertisement -

Dhinaca kale kooxda Red Star Belgrade ayaa doonaysa in ay ka yaabsato kooxda Man City isla markaas garaacdo kooxda Man City.

Kulanka: Man City Vs Red Star Belgrade

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Etihad Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City ayaan waligeed horay ula ciyaarin kooxda Red Star Belgrade tartamada yurub, iyada oo kulankan noqon doono markii ugu horaysay ee ay ka hor tagi doonto kooxda Serbia.

Red Star Belgrade aaya badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 11-kii kulan ee ay kooxaha premier League booqatay iyaga oo ka badiyay Liverpool.

Markan ayaa ah markii ugu horaysay ee ay kooxda Red Star Belgrade wajahayso koox difaacanaysa champions League.

Man City ayaa guuldaro la’aan ku qaatay tartanka champions League xilli ciyaareedkii hore iyaga oo badiyay 8 kulan halka ay bar-baro galeen 5 kale.

Related

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept