Hordhac: Barcelona Vs Royal Antwerp: Kooxda Xavi Oo Doonaysa In Ay Guul Ku Bilaabato tartanka.
Kooxda Barcelona ayaa marti galinaysa kooxda Royal Antwerp kulan ka tirsan wareega Group-yada tartanka champions League.
Barcelona ayaa doonaysa in ay si fiican ku bilaabato tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyaga oo ku ciyaaraya garooneeda.
- Advertisement -
Dhinaca kale kooxda Royal Antwerp ayaa doonaysa in ay ka yaabsato Barcelona isla markaas xaalka ku xumayso kooxda Tababare Xavi.
Kulanka: Barcelona Vs Royal Antwerp
Tartanka: Champions League
Wakhtiga: 10:00
Garoonka: Camp Nou
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kulanka kaliya ee ay wada kulmeen Barcelona iyo Royal Antwerp ayaa dhacay 1964/65 iyada oo kooxda Barcelona ku badisay 3/2.
Royal Antwerp ayaa laga badiyay dhamaan kulamadii martida ay u noqdeen kooxaha ka ciyaara Spain iyaga oo laga dhaliyay 10/0 halka ayna Barcelona waligeed marti galin kooxda reer Belguim.
Koxda Royal Antwerp ayaa markii ugu dambaysay ciyaartay tartamada yurub 1957 iyda oo 65 sano u dhexeeyay kulankeedii ugu dambeeyay ee ay ciyaartay tartanka.
Xilli ciyaareedkan ayaa noqon doona midkii 28-aad ee ay Barcelona ka qayb gashay tartanka champions league waana kooxda ugu dheer ee ka qayb gasha tartanka iyaga oo la mid ah Real Madrid.
Related