Hogaamiye Xasan Sheekh oo Odayaasha dhaqanka Galmudug kala hadlay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
Isniin, Agoosto, 7, 2023 (AX) – Hogaamiyaha dowladda Fedaraalka
Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee
Caasimadda maamulka Galmudug ayaa Xalay kulan gaar gaar ah la qaatay
Odayaasha dhaqanka maamulka Galmudug.
Hogaamiyaha
ayaa waxgaradka Galmudug kala hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan
lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee wali ka socda
deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.
- Advertisement -
Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa Odayaasha ka dalbaday in shacabka reer Galmudug ay
ku wacyi galiyaan sidii ay u garab istaagi lahayeen ciidamada Qalabka
Sida ee ku howlan sidii ay dalka uga xureyn lahayeen Ururka Al-shabaab.
“Hogaamiye
Xasan Sheekh ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay
tahay khawaarijta, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha
Dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka, taageridda dowladda
iyo in ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta Ciidanka Qaranka in ay
dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna”
ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxooyada Soomaaliya
Odayaasha
dhaqanka maamulka Galmudug ayaa dhankooda la sheegay iney u balan
qaadeen Hogaamiye Xasan Sheekh iney ku garab istaagayaan sidii
Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada Galmudug iyo guud ahaan dalka.
Hogaamiye
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor gaaray magaalada Dhuusamareeb,
waxaana madaxtooyada Soomaaliya ay shaacisay in madaxweynaha uu si ku
meel gaar ah ugu sii shaqeyn doono Dhuusamareeb oo sida wararku
sheegayaan noqoneysa taliska guud ee laga hoggaaminayo howlgalada
Al-shabaab looga saarayo deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.