Hogaamiye Xasan Sheekh oo haweeney u magaacabay Lataliyaha Xakameynta qulqulka hubka sharci darada ah
Talaado, May, 16, 2023 (AX) – Hogaamiyaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mako Maxamuud Muuse iney noqoto Lataliyaha Hogaamiyaha dhanka Xakameynta qulqulka hubka sharci darada ah ee Soomaaliya.Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in talaabadani ay qeyb ka tahay qorshaha qaran ee Soomaaliya lagaga dulqaadayo Cunaqabateynta hubka saaran, islamarkaana ay muhiim tahay in la xaqiijiyo hubka inuusan galin gacan aanan aheyn tan dowladda.
“Hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha cusub ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah Marwo Mako Maxamuud Xuseen in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegto Qaranka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.
- Advertisement -
Magacaabistaan uu Maanta sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhigan inuu magacaabay mudo hal sano gudaheed 12 la taliye oo uu u xushay iney u noqdaan lataliyaashiisa.
Si kastaba ha ahaatee dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.