Hogaamiye Biixi: Furihii lagu xidhi lahaa dagaalka Laascaanood gacanta Gobaladda Waqooyi ayuu ku jiraa
Jimco, May, 19, 2023 (AX) – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Gobaladda Waqooyi oo kali ahi ay awood u leedahay joojinta dagaalka Laascaanood.Hogaamiyaha oo ka hadlayay xaflad casho ah oo lagu qabtay madaxtooyada oo lagu xusayay 18 May, ayaa sheegay in xoogaga kasoo horjeeda Gobaladda Waqooyi ay naf iyo maalba u bixiyeen sidii anay 18 May u qabsoomi lahayn.
“Ciidankeenu saddexdii cisho ee ugu danbeeyay difaac iyo dagaal ayuu ku jiray, saaka inta Gobaladda Waqooyi neceb, oo todobbadkan danbe aan wax kaleba qabane lahaa 18 May la mari maayo, waxay u hureen intaaso dhaawaca iyo intaaso dhimasho ah in anay qabsoomin 18 May, waa qoon gaab” ayuu yiri Hogaamiye Biixi.
- Advertisement -
Hogaamiyaha ayaa sheegay in awooda joojinta dagaalka ay Gobaladda Waqooyi leedahay “Dagaalka Laascaanood ninkii bilaabay furihii uu albaabka dagaalka ku furay ayuu hayay, lakiin ma hayo furihii dagaalka lagu xidhi lahaa, kaasi gacanta Gobaladda Waqooyi ayuu ku jiraa”.
Dagaalka Laascaanood ayaa wali socda, isku dayo dhexdhexaadin oo dhinacyo kala duwani sameeyeen ayaan wali guul laga gaadhin.